berberatoday.com
“Waan Kala Aqaan Oo Kala Ogahay Inta Aan Soomaalida La Leeyahay Iyo Inta Aan Ka Leeyahay Ee Ii Gaarka Ah”Suxufi Maxamed Baashe Xaaji Xasan Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Sawiro Baraha Bulshada Lagu Baahiyay Isaga Oo Wasiir dawlada Xamar Katirsan La Fadhiya
June 29, 2017 - Written by Berbera Today

Garowe(Berberatoday.com)-Suxufiga Qoraaga ah ee Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo ah Agaasimaha Tvga Madaxa Banaan ee Star Tv oo ku sugan magaalada Garowe ee Maamulka Putland ayaa waxa uuu jawaab adag ka bixiyay Muuqaalo iyo sawiro lagu baahiyay baraha Bulshada isaga oo La sawiran Wasiirka arimaha Gudaha Dawlada Xamar Cabdi Faarax Saciid(Juxa) iyaga oo jooga Xeebta Eyl ee Putland, Waxaanu Suxufi Qoraa Maxamed Baashe Xaaji Xasan sheegay inuu Putland shaqo utagay islamarkaana ay Wasiir Juxa oo ay aqoon dheer iyo Saaxiibtinimo ka dhaxayso Ku Kulmee halkaas taasina ay keentay inuu Wasiir Juxa suxufiga Maxamed Baashe Xaaji xasan casuumad ufidiyo.

Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo jawaab Adag ka Bixinaya Sawirada Laga baahiyay iyo Kulanka Wasiirka Arimaha Gudaha Dawlada Xamar ayaa Bartiisa faceebo Qoraalkan Hoos Ku Qoran Soo dhigay”

Abdi Farah Saeed (Juxa), wasiirka arrimaha gudaha ee Soomaaliya, la kulankiisa Garoowe iyo isla sawirkiisu midnaba kama turjumayo wasiirnimadiisa iyo xilka uu Soomaaliya ka hayo.

Juxa iyo aniga waxa naga dhexeeya xidhiidh ka soo bilaabma 1985 illaa maantana ku siman oo gaammurey oo halgameed, waxbarasho iyo saaxiibtinnimo.

Isaga oo SSDF ah, anna aan SNM ahay ayaannu saaxiib ahayn oo waxna isla oggolayn, waxna isku diiddanayn.

Aniga oo Somaliland ah, isna Puntland yahay ayaannu saaxiibbo isku dhow oo waxna isku waafaqsan, waxna ku kala duwan ahayn.

Isaga oo maanta ah mas’uul sare dawladda Soomaaliya ka tirsan oo Garoowe fasax ugu yimi reerkiisa iyo aniga oo shacab ah oo taabacsan Somaliland oo Garoowe shaqo iyo booqasho ku tegey, oo aannu weli nahay saaxiibbo waxna is oggol, waxna isla diiddan, ayaa ah xaqiiqooyin mutuxan oo ka horjeeda hadaaqyada dad badani baraha bulshada soo dhigayaan.

Sawirka aan Juxa la gelayaa, aniga iigama duwana kan aan Budapest kula galay 1990.

Isaga iyo anigu toonna ma qabno in kulankaygu cid liddi ku noqon karo, lifaaqyo siyaasadeed ma wato ee saaxiibtinnimo qofeed iyo qoyseed oo u tallowsan kaalinta walaaltinnimo, ehelnimo iyo is ahaansho.

Somaliland miskiinkaygan ha uga biqina ee uga baqa kuwa xilalka hayo ee dhuumashada iyo badheedhkaba kula kulma madaxda Soomaaliya.

Aniga oo Somalilandnimadayda haysta ayaan tegayaa dhulalka Soomaalida ee waxa badani naga dhexeeyaan.

Waan kala aqaan oo kala ogahay inta aan Soomaalida la leeyahay iyo inta aan ka leeyahay ee ii gaarka ah.

Ma didee Hargoolow
Haygu tumin durbaannada
Iyo daasadaha madhan.

#Dal_iyo_Dad_Barasho

Maxamed Baashe, Garoowe, Puntland.

Xigasho Aqoonyahan Maxamed Baashe Xaaji Xasan

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews