berberatoday.com
Wasiirka Kalluumaysiga Oo Ka Hadlay Jabhad Lagaga Dhawaaqay Gobalka Uu Dhalasho Ahaan Kasoo Jeedo Ee Sanaag Bari
June 30, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Jamhuuriyadda Somaliland  Cali Jaamac Faarax (Buureed), ayaa ka hadlay Jabhada lagaga dhawaaqay  Deegaanka Laasqoray, waxaanu sheegay in aan raali laga ahayn cid nabadgalyada wax yeesha,nabadgalyada dalkana ay Xukuumaddu masuul ka tahay.

 

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Jamhuuriyadda Somaliland  Cali Jaamac Faarax (Buureed), oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya isagoo jooga Degmada Dhahar, ayaa sidoo kale ka waramay Shuban Biyood ka dilaacay Degmada Dhahar iyo dad u dhintay, waxaanu yidhi ugu horeyn ‘Anigu hadda waxaan ku sugan yahay oo aan jooga Dhahar, oo aan dadka aan kula ciiday, si fiicana waa looga ciiday, kolay Shuban Biyoodkii wuu soo gaadhay, oo dad ayaa Dhahar ugu geeriyooday Shuban Biyoodka, balse waa lala tacaalay, oo waa la xakameeyey,  oo imikana xaaladu aad bay u fiican tahay”.

Wasiirka Kalluumaysiga mar aanu wax ka  weydiinay wax uu kala socdo Jabhada lagaga dhawaaqay Deegaanka Laasqoray ayaa yidhi “Dalka waxa ka talisa Dawlad, iyadaana masuuliyada nabadgalyada iyo amaankaba dalka iyo dadkaba ILLAAHAY ka sakow ka masuul ah, markaas cid haba yaraate laga ogolaanayo inay nabadgalyada khal-khal galisaa ma jirto”

Dhinaca kale Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Jamhuuriyadda Somaliland  Cali Jaamac Faarax (Buureed),wuxuu guud ahaan Bulshada reer Somaliland ku booriyey inay khayraadka badda ka faa’iidaystaan, oo ay wax kala soo baxaan.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Markii Jabhada Lagaga Dhawaaqay Bariga Gobolka Sanaag

 

 

Xigasho Wargeyska Geeska Afrika

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews