Fariin Caafimaad”Naasnuujinta Dabiiciga Ahi Waxa Ay Hooyada Ka Ilaalisaa Cudurrada Wadnaha Ku Dhaca Iyo Faaligga
July 3, 2017 - Written by Berbera Today
London(Berberatoday.com)-Cilmibaadhis dhowaan lagu sameeyey dalka Ingiriiska ayaa lagu ogaaday in hooyooyinka ilmahooda naaska si fiican u siiya ay ku yaryihiin xanuunnada wadnaha ku dhaca iyo dhiigfuranka maskaxda (Faalig). Cilmibaadhistan oo ay sameeyeen xeeldheerayaal ka tirsan jaamacadda Oxford ee dalka Ingiriiska, ayaa ay muddo 8 sano ah tijaabadeeda ku sameynayeen shaybaadhada caafimaad ee 289 kun oo dumarka dalka Shiinaha ah iyada oo ay cilmibaadhayaashu si gaar ah u eegayeen celceliska xanuunnada wadnaha iyo dhiigfuranka maskaxda ee ku dhacay dumarka tijaabada lagu sameeyey oo iyaguna u qaybsanaa kuwo ubadkooda naaska nuujin jiray iyo kuwo aan nuujin.