berberatoday.com
Wiil Gabadh Uu Jeclaaday Saddex Jirkiisii, Guursaday 20 Sano Dabadeed !
July 4, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Waxa aynu had iyo jeer aragnaa marka ay ubadku yar yihiin inay sheegaan waxyaabaha ay jecel yihiin inay sameeyaan marka ay weynaadaan, laakiin aad ayay u yartahay dadka ka dhabeeya riyadiisii uu ku hammiyi jiray isaga oo carruura.

labada is jeclaaday iyaga oo 3 jir ah is guursadayna 20 sano kadibHaddaba, wiilkani waxa uu xaqiijiyay riyadii uu ku hammiyay markii uu saddex sano jiray, isagoo xilligaasi jeclaaday gabadh yar oo ay isku Da ahaayeen isla markaana ay wax ka wada baran jireen Dugsiga Barbaarinta ubadka waxaanu xilligaasi niyada galiyay in marka u weynaado uu guursan doono gabadhaasi uu yaraantii ku jeclaaday.  Ninkan oo magaciisa la yidhaahdo Matt Grodsky ayaa waxa uu guursaday Laura Shill oo ahayd gabadhii uu jeclaaday markii ay Dadoodu ahayd saddexda sano waxaanu guurkaasi ku guulaystay muddo 20 sano ah kadib, waraysi uu siiyay The Independent ayuu ku sheegay in maalintii ugu horreeyay ee uu jeclaaday Laura uu ahaa maalin ay safka ku jireen waxaanu sheegay in maalintaasi uu niyada ka yidhi “Maalin maalmaha ka mid ah ayaan guursan doonaa”, qisada jaceylka ah ee labadan lammaane ee haatan is guursaday ayaa waxa si aad ah loo dareemay kadib markii lagu faafiyay Twitter-ka qoraal uu macnihiisu ahaa “Qaabkii aanu u kulanay” kaasi oo ka waramayay sida markii ugu horreysay isku labadan lammaane.

Waxay dhacdadani ka mid tahay dhacdooyinka jacaylka ah ee aadka ugu yar Adduunka taasi oo inta badan Lammaanaha yaraanta isku jeclaadaa aanay inta badan nasiib isku yeelan inay guur isla gaadhaan.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews