Isbaheysiga Kulmiye Oo Deedafeeyay Go’aan Hoggaanka Xisbigu ku Caydhiyey Shan Xubnood
March 25, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Hoggaanka Xubnaha Isbaheysiga KULMIYE ee Cadhada kaga maqan Xisbiga, ayaa War-murtiyeed ay Maanta Hargeysa ka soo saareen ku deedafeeyay Shan Xubnood oo Garabkooda ka mid ah oo Hoggaanka Xisbigaasi Shalay ka qaaday Xubinnimadii Xisbiga.
War-murtiyeedkan oo ay ku saxeexan yihiin Guddoomiye-yayaasha 2-aad iyo Saddexaad ee Xisbiga KULMIYE Xildhibaan Waabeeye iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle, ayaa u qornaa sidan:-
Ujeeddo: Deedafeyn Qoraalka ka soo baxay Garabka Guddoomiyaha Muuse Biixi.
Tixraac Qoraalka sumadiisu tahay XK/XGX/0042185/2016 kuna taariikhaysan 23/03/2016 kana soo baxay Xafiiska Garabka Kulmiye ee Guddoomiye Muuse Biixi ee lagu faafiyay Warbaahinta ujeeddadiisu ahayd lumin Xil iyo Xubinimo Xisbi. Haddaba shir ay isugu yimaaddeen Hoggaanka, guddida fulinta iyo xubnaha Golaha dhexe ee Garabka Isbahaysiga Dumuquraadiga ee Xisbiga Kulmiye waxay soo saareen War-murtiyeedkan:-