Ururka Kubada Cagta Aduunka Ee Fifa Oo Ciyaaraha Ka Joojisay Naadiyada Kubada Cagta Dalka Suudaan
July 8, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xidhiidhka Kubadda Cagta Adduunka ee Fifa ayaa Suudaan ka mamnuucday ciyaaraha, sababtuna waxay tahay faragalinta ay dawladdu ku hayso ciyaaraha.
Bishii hore ayaa digniin loo soo jeediyay ka dib markii ay dawladdu madaxweyne cusub u magacawday xidhiidhka kubadda cagta ee Suudaan.
Naadiyada Al Hilal iyo Al Merreikh ayaa laga hor istaagay in ay ka qaybqaataan ciyaaraha koobka horyaallada Afrika halka kooxda Al Hilal laga joojiyay tartanka Confederation Cup.