War Deg Deg Ah”Xukuumada Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay Wariye Cumar Seerbiya , Goobta Lagu Xidhay Iyo Sababta Loo Xidhay
July 8, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Xukuumada Somaliland ayaa waxaa ay goor dhaweyd xabiga dhigtay Wariye Cumar Seerbiya
oo ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa isla markaana ka soo duulay Magaalada Moqdisho .

Sida ay Shabakada Berberatoday.com iminka u soo sheegeen qaar ka mid ah saxafiyiinta reer Somaliland oo ku sugan gudaha Garoonka ayaa sheegay in aanay ilaa hada xukuumadu cadeyn danbiga uu sameeyey Cumar Seerbiya iyo sababta loo xidhay .