Shabakada Facebook Oo Shaacisay Nidaam Diidaya In La Sawirto, Cid Kale Loo Diro Ama Wax Laga Beddelo Sawir Qofk Kale
July 12, 2017 - Written by Berbera Today
Washington(Berberatoday.com)-Shirkadda Facebook ayaa dabayaaqadii bishii ina dhaaftay ee June waxa ay ku dhawaaqday in ay daaha ka rogayso adeeg cusub oo dadka macaamiisha u ah barkulankooda u suurtogelinaya awood intii hore ka badan oo ay ku ilaashan karaan sawirrada u yaallo faylashadooda shakhsiga ah. Tallaabadaas ayaa ay shirkaddu ku tilmaamtay mid ka jawaabaysa dalab uga yimid macaamiishooda dalka Hindiya.
Shirkadda ugu weyn barkulannada bulsho ee internet ka ayaa warmurtiyeed ay ku faafisay diiwaankeeda Internet ka waxa ay ku sheegtay in nidaamka cusub ee ay soo saareen oo weli tijaabadii ku jiraa uu macaamiisha Hindiya u suurtogelin doono in ay xakameeyaan cidda la degi karta ama koobi ka qaadan karta sawirradooda, cidda ay doonaana ay u fasaxi karaan in ay sawirradooda dib u sii faafiso (Share), oo macnaheedu yahay in sawirka qofku Facebook soo dhigto aanay cid kastaa dadka la sii wadaagi karin (Share) haddii aanu qofka sawirka lihi u ogolaan ama xitaa aan nuskhad laga samaysan karin. Waxaa intaas dheer in barnaamijkani uu qofka ka hor istaagi doono in uu sawirrada qof kale boggiisa soo dhigtay ku sameeyo wax ka beddel ama wax ku darid (Qurxin iyo fool xumayn labadaba). Arrimahaas ayaa ay shirkaddu sheegtay in ay yihiin tallaabo lagaga hortegayo in si qaldan loo isticmaalo sawirrada qofka.