Berbera”Kuleylka Xagaaga Iyo Hanfiga Dabaysha Oo Heer Adag Maraya Iyo Biyo La’aan Soo Wajahday Bulshada
July 21, 2017 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Magaalo-Xeebeedda Berbera ee Xarunta gobolka Saaxil, ayaa Maalmihii u dambeeyy Cimilada Xilliga Xagaaga ee lagu guda-jiro Xaraaradda Kuleylku gaadhey meel adag, iyadoo Kuleylka sii siyaadisey Dabeysha Hanfiga ah oo maamihan si is-daba-joog ah u socotey. Waxaanu Qiyaasta Kulaylku gaadhay 43.Digree Heer Kulka Xaraarada Cimilada
Waxaanay marxaladani kusoo Beegantey Biyo la,aan heerkii ugu ba.anaa ah oo soo waajahay Guud ahaanba Magaalada kadib markii sida la sheegay ay Cilado Farsamo oo isku beeg ahi lasoo darseen Ceelasha Biyaha looga Soo Daayo Magaalada.