Faariin Caafimaad”Shaaglaydhku Waxa Uu Xoojiyaa Xusuusta Iyo Fahamka Maskaxda Waxa Aanu Caawiyaa Caafimaadka Wadnaha
July 25, 2017 - Written by Berbera Today

Roma(Berberatoday.com)-Cilmibaadhis dhowaan lagu sameeyey dalka Talyaaniga ayaa lagu ogaaday in cunista geedka Kaakow (Cacao) oo ah geedka laga sameeyo Shaaglaydhka (Jokolaataha) uu wanaajiyo caafimaadka iyo awoodda maskaxda ee fahamka, garaadka iyo xusuusta, gaar ahaan dadka da’da weyn.
Cilmibaadhista oo ay sameeyeen xeeldheerayaal ka tirsan jaamacadda L’Aquila ee dalka Talyaaniga ayaa sheegtay in Shaaglaydhku uu hodan ku yahay maaddooyinka lagu magacaabo Flavanols oo dabiici ah, taas oo faa’ido aad u ballaadhan u leh neerfayaasha. Tijaabooyinka ay sameeyeen xeeldheerayaashani waxa ay ka marag kaceen in geedka Kaakoow oo la isticmaalo shan maalmood toddobaad kasta, iyada oo la wadayo muddo 3 bilood ah ay leedahay faa’idooyin caafimaad oo la xidhiidha nafsadda iyo maskaxda, gaar ahaanna dadka waaweyn ay ka caawiso gudashada waajibaadkeeda, sida xusuusta, garashada iyo fahamka dhaqsaha ah iwm. Sababta ugu weyna waxa ay khubaradu ku sheegeen in Shaaglaydhku (Shokolaatuhu) uu xoojiyo xaddiga dhiigga gaadhaya maskaxda, taas oo ah hawl muhiim u ah ka hortagga guud ahaan xanuunnada maskaxda ku dhaca, gaar ahaan kuwa da’da la socda ee uu ugu horreeyo Alzheimer.