Daawo Muuqalka”Wasiirkii Hore Ee Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal Oo Beeshiisa Samaroon Ugu Baaqay Inaanay Codkooda Iska Bixine Ay Shuruud Ku Xidhaan Madaxweynaha Ay Dooranayaan
July 27, 2017 - Written by Berbera Today
Wasiirkii Hore ee Boosaha Oo ku faanay inuu qaato Mushahar aanu Xilkiisa heynin, Xilli Dalku ku jiro Xaalad dhaqaale Oo Adag
Borama(Berberatoday.com)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Maxamed Jaamac Abgaal oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka AWDAL, ayaa sheegay inuu illaa hadda qaato Mushaharkiisii Wasiirnimo, wallow aanu wax Xil ah Qaranka u haynin.
Mr. Abgaal waxa kale oo uu Shirkiisa jaraa’id kaga hadlay oo uu ku sheegay in Tabashooyinka Beesha Samaroon ka qabto Saami-qaybsiga Xukuumadda Somaliland ay xilligan Ololaha Doorashadu socoto ay kala xaajooto Musharraxa ay doonayaan ay Codkooda siiyaan, halkii ay hadhow ka Callaacali lahaayeen.