berberatoday.com
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele Waxuu Dhiibtey Fikirkiisii Siyaasadeed Ee Ku Wajahaysanaa Somaliland Waanu Ku Mahadsan Yahay W/Q Cali Kubad
July 28, 2017 - Written by Berbera Today

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele waxuu dhiibtey fikirkiisii siyaasadeed ee ku wajahaysanaa Somaliland waanu ku mahadsan yahay,

 

laakiin Somaliland maaha inay albaabada khalad ka ah ay iska tunt tunto. Somaliland qaranimadeeda, iyo siday ugu mid noqon lahayd beesha caalamka waxay ku xidhan tahay dawlad wanaag aynu samaysano, oo aynu isla markaasna innagu marka hore is ictiraafno, iyo inaynu markaas bar-tilmaameedka saarno albaabada saxa ah ee aynu garaaci karno. Ta kale, waa inay Somaliland xasuusato oo ay maanta sii kala ogaato kuwa innala saaxiibka ah, kuwa neceb jiritaankeena, iyo kuwa innagu wiirsadaba. Madaxweyne Nelson Mandela waxu yidhi markuu dalka Maraykanka( USA) yimi: waqtigii adkaa ee aanu soo marnay waxuu na kala baray saaxiibadayo iyo cadowgayagaba, markaas inay dawladaha reer galbeedka ah ee hanti goosiga ku dhaqmaa, maaha inay maanta nagu yidhaahdaan dad aan dimuquraadiyadaba ku dhaqmin sida Fidel Castro ama Qaddafi baad la saaxiib tihiine, ee maxaa idiin ka khaldan. Waxuu intaas ku daray damiirkayagu nooma ogolaan karo inaanu qofkii shalay markaanu baahnayn iskaayo garab taagey, ay dadyow kale oo markaas naga soo horjeedey, ay maanta nagu yidhaahdaan sidee baad ula saaxiib kartaan wadan hebel iyo madaxweyne hebel. Saaxiibada Somaliland iyo cadowga Somaliland waqti aanu ku kala barano Ilaahay wuu nagu galaday. Iska hadlow inna Igarre bay tidhi islaantii reer Burco.

 

 

W/Q

Alikubad Politician
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews