berberatoday.com
Baashe Morgan Oo Burco Loogu Galbiyay Si Uu Kaadhkiisii Codbixiyaha Usoo Qaato Iyo Sidii Madaxweynaha Oo Loogu Soo Dhaweeyay+Madaxda Galbinaysay Iyo Kuwa Horyimi Oo Tira Beeshay W/Q Fahad Xasan Yasin
July 29, 2017 - Written by Berbera Today

Wiilka Awooda Badan Maamulka Madaxweyne Siilanyo Ku leh Islamarkaana Qaba Luul aAxmed Siilanyo Baashe Morgan oo ku magacaaban Wakiilka Somaliland Ee Dalka isutaga Imiraatka Carabta ayaa Maanta Magaalada Burco Socdaal Kuyimi Isaga oo loo Galbinaayo Sidii Madaxweynihii Dalka oo ay hareero socdaan Agaasimayaal Guud oo uu kamid yahay Agaasimaha Guud ee wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Sheekh Saleebaan Siciid Cali Lataliyaha Madaxweynaha ee Arimaha Saxaafada Khadar Cali Gaas iyo Masuuliyiin badan oo xilal hoose Ka Haya Xukumada iyo Madaxtooyada Somaliland.

Socdaalka Baashe Morgan ayaa Lagu sheegay Qaadashada  Kaadhka Codbixiyaha oo uu Burco hore isaga diwaan galiyay.

Bashe Morgan Wiilka Madaxweyne Siilanyo Sodoga Uyahay ayaa waxa Deegaanka sheekh kaga hortagay Masuuliyiin aad utira Badan oo kam ida Kuwa Gobolka Togdheer kuwaas oo ay kamid yihiin Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamud Cali Saleebaan(Ramaax)Mayarka Degmada Burco Maxamed Muraad kuxigeenadooda iyo guud ahaan isuduwayaasha Wasaaradaha Dawlada ee Gobolkaas Togdheer iyo Madaxda Haayadaha dawlada ee Madaxa banaan.

Baashe Morgan ayaa qaabka Loo galbinayay markii Burco uu soo galaayay shacab weynaha reer burco ay moodeen Madaxweyne Siilanyo oo Burco kusoo galay Safar aan la sii shaacin oo qarsoodiya sababtoo ah Waxa Baashe Moorgan ilaalo u ahaa gaadiid ciidan oo gaashaaman iyo gaadiid kaloo tira badan oo ah kuwii Madaxtooyada oo lagu galbinaayay.

shacab weynaha reer Burco iyo tuulooyinka udhexeeya Berbera iyo Burco ayaa iyaguna makaag kaas lamida oo ay uhaystaan inuu meesha Madaxweyne Siilanyo marayo laamiyada la hareera taagnaa,

gaadiidkii Faraha Badnaa ee galbinaayay Baashe Morgan ayaa Markii ay tageen Hutelka City Plaza ayaa Waxa isla goobtaas tagay qeybo kamida shacabweynaha reer Burco waxase ay amakaag iyo fajac la wareereen markii layidhi Madaxweynihii Maahee Waa Wiilkii uu sodoga u ahaa oo Burco Uyimi sidii uu Uqaadan lahaa kadhka codbixinta,

Qaabka uu Usoconayo Baashe Morgan ayaa waxa ay umuuqataa mid aan sharciga waafaqsanayn oo meel kadhac iyo maamuus xumo ku ah habdhaqanka dawladnimo maadama oo aan sharcigu ogolayn in awooda Madaxweynaha iyo qaababka loogu soo dhaweeyo Gobolada dalka shaqsi kaloo meeqaamkiisu hooseeyaa isticmaalo isaga oo qaab xididnimo dalkii ku boobaya maamul iyo Mansaba iyada oo aan la garanayn waxa uu dheer yahay Wakiilada Kale ee Dawlada Somaliland Wadamada Debeda ujooga oo aan iyaga sanqadhoodaba la maqlin halka Baashe Morgan Awoodii Madaxweynaha Sodogii ah uu ku shaqaysanayo dalkii iyo dadkiina ku boobay.

Warar kaloo soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in Baashe Morgan uu shaqadii Wasiirnimo ka caydhiyay Wasiirkii Xidhiidhka Golayaasha Qaranka Iyo Tignoolajiyada Cali Xaamud Jibriil isaga oo awoodii Madaxweynaha Adeegsanaya..

Halkan Hoose Ka Daawo Baashe Morgan Oo La Galbinaayo

 

Fahad Xasan Yasin 

Burco Somaliland

Fahadsan@gmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews