berberatoday.com
27 July 2010 illaa 27 July 2017ka: Waxyeelladii Xukuumadda Siilaanyo! W/Q Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
July 29, 2017 - Written by Berbera Today

Waxa aynu halkan ku soo qaadan doonnaa qaar ka mid waxyeellada lagu xasuusan doono nidaamka talada ka sii degaya

 

27ka Julaay 2017ka ayay Xukuumadda Siilaanyo u buuxsameenn toddoba gu’ oo gaw ahi. Wax badan oo is-beddel ah ayaa xilligaa dhacay: kuwo taban iyo kuwo toganba. Waxa aynu halkan ku soo qaadan doonnaa qaar ka mid waxyeellada lagu xasuusan doono nidaamka talada ka sii degaya ee lagu beddeli doono doorashada qorshaysan 13ka Nofember 2017ka haddii Eebbe idmo.

 

Waxa ka mid ah:

  1. Qabyaaladdii oo cirka isku shareertay

  2. Sicir-barar xadhkaha goostay

  3. Wasiirro ka awood badan wasiirrada kale

  4. Xaraashkii dhulka danta guud

  5. Iibinta Korontada

  6. Raamsigii Haamaha Shidaalka

  7. Xaqul-qalinka dekedda Berbera

  8. Dulqaad-yaraan: Madaxweynihii saqda dhexe toosay

  9. Cabudhinta iyo xadhigga saxaafadda

  10. Ciidan RRU la dhaho oo sifo qaldan loo adeegsaday

  11. Ku-shubashadii

     

    doorashada 2012ka

  12. Xasuuqa dhallinyarada dalka: imisa qof ayaa gacanta booliska ku baxay?

  13. Naas-nuujin iyo qandaraasyo gacan-bidixayn ah

  14. Maamullo ka samaysay Gudaha Somaliland

  15. Xasuuqii Kalshaale, Meygaagle, Hagoogane

  16. Waxbarasho la yidhi waa bilaash oo ka qaalisan tii hore

  17. Rejadii aqoonsi-raadinta oo god madaw ku dhacday

  18. Meeqaamkii qaranka oo lala simay maamullo heer tuulo ah

  19. Isku daygii khaarajinta saxaafadda sida Hubaal

  20. Dawlad ay faraha kula jiraan xidid, xaawalay iyo xigaal

  21. Baahidii biyaha oo la sii labanlaabay

  22. Guryo malaayiin doollar laga siistay dibadaha

  23. Xukuumad dhismaheeda loogu abaal-guday deegaanno gaar ah

  24. Daabacaadda lacag qiime tirtay shilinkii Somaliland

  25. Waxa xilka haya madaxweyne ku eedaysan xil-gudasho la’aan iyo ku-xigeen dudaya oo ay wasiirradu ka awood roon yihiin

  26. Ganacsi aan xeerka waafaqsanayn oo ay galeen qoyska madaxweynuhu

  27. Xisbiga talada hayaa waxa uu muujiyay in aanu u sinnayn beelaha Somaliland

  28. Waxa markii kowaad la arkay xukuumad ku dhisan kooxaysi, xulafaysi iyo is-garbin.

  29. Khayraadka dalka oo sifo sharci-darro ah loo dhoofiyo

  30. Ma aragteen agaasime-waaxeedyo ka awood badan wasiirkii magacaabi lahaa ama eryi lahaa?

  31. Somaliland waxa ay laba gego-diyaaradeed oo caalami ah. Mid ayaa Imaaraadka laga kireeyay iyada oo mudane kasta lagu laaluushay $10,000.

  32. Isku dirka beelaha ood-wadaagta ah

  33. Waxa ay sii kordhisay kala-faquuqa ummadda iyada oo samaysay xilal ku dhisan takoor iyo hayb-sooc.

  34. Waxa weerarro gacan-ka-hadal ah lagu qaaday masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaridka, qaarkoodna rasaas ayaa lala beegsaday

  35. Waxa gudaha Somaliland lagu qabtay shirar liddi ku ah qarannimada sida kii Taleex ka dhacay 2012kii ee lagu aasaasay Khaatumo State, xukuumadduna wax tallaabo ah kama ay qaadin

  36. Wershaddii sibidhka ee Berbera waxa loo gacan-geliyay cid gaar ah

  37. Waxa toban-jibbaar noqday shirbeeleedyada oo summad ah kala-tashiga bulshada.

 

Xagga waxqabadka waxa aynu ka sugaynnaa Md Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Ahna Af-hayeenka Xukuumadda Somaliland

 

Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi)

saedmgahair@hotmail.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews