Dawlada Qatar oo Dacwado Ka Gudbisay Sadex Ka Mid Ah Dalalka Xidhiidhka U Jaray
August 2, 2017 - Written by Berbera Today
Doha(Berberatoday.com)-Dawlada dalka Qatar ayaa ururka ganacsiga adduunka ee WTO u gudbisay dacwad ka dhan ah saddex ka mid ah dalalka carbeed ee xidhiidhka u jaray bishii June ee sanadkan, iyaga oo ku eedaynaya inay taageeraan argagixisada.
Dacwadan ayaa ku baaqeysa wada-hadallo ay Qatar la yeelato dalalka Sacuudiga, Bahrain iyo Imaaraadka Carabta, taasi oo billaabeysa muddo lixdan maalmood ah oo dalalkan ay ku xaliyaan xiisadooda, ama ay wajahaan ganaaxyo.
