berberatoday.com
Berbera”Wiil Dhalinyaro Ah Oo Aroos Isu Diyaarinaayay Oo Isdeldelaad Nafta Iska Gooyay Iyo Sababta Keentay
August 2, 2017 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Alle Ha Unaxariiste Wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Maxamed Ibraahim Daauud( Riyaale )oo kamid ahaa shaqaalaha shirkada Bare Construction Xafiiska Berbera ayaa sida la sheegay habeenkii xalay ahaa Isku deldelay gurigiisa oo kuyaala Xaafada xudhuunka ee Berbera.

Marxuumka ayaa dhalinayato ay saaxiib ahaayeen usheegeen Shabakada Wararka ee Berberatoday.com inuu Isu diyaarinaayay Aroos oo guriga uu isku deldelay uu hada uu kiraystay dhigayna Alaabtii gurig ee uu ku aroosan lahaa iyada oo haweenayda uu qabay ee uu aroosan lahaana joogtay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Inkastoo baadhista booliska Berbera wadaan hadana Warar oo hose oo la helayo ayaa waxa ay sheegayaan inuu uu Marxuum Maxamed Ibraahim Daauud( Riyaale) uu isu deldelay xaalad cakirantay oo ka dhex dhalatay isaga iyo xaaskiisa uu arooska udiyaarinaayay oo diiday alaabta uu usoo iibiyay iyo waliba inay Berbera ku aroos galaan isaga oo gurigiina kiraystay alaabtiina dhigay shaqsiyaad kamida asxaabtiisa oo aanu la xidhiidhnay  ayaa sidaas noo sheegay iyaga oo xaalada wax ka ogaa hase yeeshe aan filayn inuu nafta iska goyn doono marxuumka saaxiibkooda ah ee is deldelay iyaga oo xisay inaanay jirin xaalad kaloo loo nisbayn karo isdeldelaada uu nafta iskaga jaray marxuumku.

Waxa kaloo la sheegayaa inuu hada uxidhanyahay dhacdadan nin aan magaciisa la sheegin oo daqada kijada guriga ka arkay ninka maydka ah ee isdeldelay kaas oo ciidamada booliska Berbera iyo dadka xaafada marxuumka ka agdhawaa ogaysiiyay kaas oo sida la sheegay baadhis loo hayo.

 

 

Marxuum Maxamed Ibraahim Daauud( Riyaale)ayaa dhalasho ahaan kasoo jeeday Gobolka Gabiley iyada oo maydkiisiina loo qaaday magaalada Gabiley oo isla maanta lagu xaabili doono alle ha unaxariistee marxuumka.’

Marxuum Maxamed Ibraahim Daauud( Riyaale)ayaa shirka Bare Construction ee dhismaha uqaabilsanaa maamulka iyo xisaabaadka isaga oo kasoo qalin jabiyay jaamacadaha Hargeysa iyo admas, waxa kaloo la sheegay in marxuumka reerkoodu ahaa reer Miyi dagan waqooyiga gobolka Gabiley,dadkii yaqaanay waxa ay ku tilmaameen inuu ahaa will dhalinyaro ah oo edeb iyo akhlaaq badan oo shaqadiisa iyo waxbarashadaba aad ugu dadaali jiray alle Ha Unaxariistee.

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews