Ey Sabab U Noqday Dagaalka Qoysas Isku Adeegsaday Mindiyo Iyo Rasaas :
August 4, 2017 - Written by Berbera Today
Ardal Liwa(Berberatoday.com)-Dalka Masar gaar ahaan magaalada Ardal Liwa ee Gobolka Jiisa ayaa laba qoys oo ka mid ah dadweynaha ku nooli ayuu dhex maray dagaal uu sabab u ahaa Ey u lahaa wiil ka mid ah labadaasi qoys, isla markaana uu wiil kale dhagaxaan la dhacay eygaasi.
Intaasi kadib ayaa qoyska uu ka soo jeeday wiilka Eyga leh ayaa waxay soo qaadeen weerar kaasi oo ay eygaasi ugu aar goynayaan, dagaalkaasi ayaa ugu horrayn la isku adeegsaday dhagaxaan, balse sii ballaadhay waxaanu isku badelay dagaal la isku adeegsaday xabad nool, dagaalkaasi ayaa waxa uu sababay dhaawac aan ilaa iyo haatan la ogeyn tiradiisa, dadkii ku dhaawacmay dagaalkaasi ayaan tagin dhakhaatiirta iyaga oo la baqaya in ciidammadu soo daba galaan oo ay ka cabsi qabaan inay ciqaab la kulmaan.