berberatoday.com
Tirada Goobaha Dadweynaha Gobollada Sool Iyo Sanaag Ka Qaadanayaan Kaadhadhkooda Cod-bixinta
August 13, 2017 - Written by Berbera Today

Laascaanood(Berberatoday.com)-Guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa Shalay ka bilaabay gobollada Sool iyo Sanaag bixinta kaadhadhka codbixiyaasha ee doorashada Madaxtooyada la filayo in ay Somaliland ka dhacdo 13 Noofember 2017-ka.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Eng. Cabdiqaadir Iimaan Warsame ayaa isagoo ku sugan magaalada Laascaanood sheegay in 177 goobood oo gobolka Sool ah ay si uga bilaabantay kaadh-qaadashadu. Sidoo kalena waxa ay ka bilaabantay 173 goobood oo ku yaal gobolka Sanaag.

Gobolka Sool, waxa ku sugan oo hawsha Kaadh-qaybinta u jooga Masuuliyiin badan oo ay ka mid ah Hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Qaranka, Wasiirro iyo Xildhibaanno ka mid ah Goleyaasha Baarlamaanka, kuwaasi oo Maalmihii u dambeeyay Dadweynaha ku dhiiri-gelinayey qaataan Kaadhadhka Cod-bixinta Doorashada.

Sidaasi oo kale, ayaa Gobolka Sanaag, waxa ku sugan Masuuliyiin ka socda Laamaha Dawladda, Xisbiyada Qaranka iyo weliba Xubno ka mid ah Guddiga Doorashooyinka, kuwaasi oo ujeeddadoodu tahay inay Dadweynaha ku Wacyi-geliyaan Qaadashada Kaadhadhka Cod-bixinta Doorashada.

Munaasibado Khamiistii la soo dhaafay uu Koomiishanku ku qabtay Magaalooyinka Laascaanood iyo Ceerigaabo isla-markaana uu ku daah-furay Kaadh-qaadashada Shalay bilaabantay.

Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Qaranka, Wasiirrada Xukuumadda iyo Masuuliyiinta Komiishanka Doorashooyinka Qaranka oo hadallo ka jeediyey ayaa Dadweynaha ugu baaqay inay sii wanaagsan ugu soo baxaan Kaadh-qaadashada.

Kaadh-qaadashada ayaa muddo ka socon doonta Gobollada Sool iyo Sanaag, kuwaasi oo ah Labada Gobol ee ugu dambeeya ee Kaadh-qaadashada laga samaynayo, maaddaama oo Gobolladii kale hore Kaadh-qaadashada looga sameeyay.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews