Dawladda Somaliland Oo Laab La Kac Ku Tilmaantay Dhawaaq Faro-gelin Ah Oo Maamul-gobolleedka Puntland Kaga Hadlay Diiwaan galinta Ka Socota Gobolada Sool, Sanaag
August 13, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Dawladda Somaliland, ayaa ka hadashay dhawaaq Maamul-Gobolleedka Puntland ku sheegay inaan Gobollada Sool iyo Sanaag oo ay Mulkiyaddooda sheegato aan laga qabin karin qaadashada Kaadhadhka Cod-bixinta Doorashooyinka Somaliland.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Puntland Mr. Qarjab oo Doraad Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inaan Somaliland Qaybinta Kaadhadhka Cod-bixinta Doorashada ka samayn karin deegaannada Gobollada Sool iyo Sanaag oo ay Mulkiyaddooda sheegato, laakiin Dawladda Somaliland ayaa hadalkaa ku sheegtay mid Laab la kac ah oo aanay waxba ka soconayn.