Markab Raashin Caawimo Ah Usida Itoobiya Oo Mudo 16 Maalmooda Bada Berbera Taagan Iyo Cabasho Kasoo Yeedhay Shirkadaha Gaadiidka Xabashida+Maraakiib Koonteenaro Sida Oo La Noqday Kadib Markii La Waayay Wax Ka Roga Iyo Dekeda Berbera Oo Culayska Saaran Laga Baqayo Inay Dunto
August 13, 2017 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-markab sida Raashin caawimo ah oo ay ledahay haayada Cuntada aduunka ee WFP oo loo daabuli lahaa dalka Itoobiya ayaa mudo 16 maalmooda haamabada Dekeda Berbera ee bada taagan kadib markii shirkada DP world ee Dekeda Berbera maamulkeeda lagu wareejiyay diiday in Dekeda Berbera lagu soo xidho sababo la xidhiidha Dekedii oo buuxda oo aan lahayn meel gaadiidka badeecadahaas daabulayaan maraan.
Waxa ku sugan magaalada Berbera gaadiid tiradoodu dhantahay 160 gaadhi oo laga leeyahay dalka Itoobiya kuwaas oo daabuli lahaa raashinkaas gayna lahaa dalka itoobiya, gaadiidkan ayaa mudadaa 16 maalmooda joogay maagalada berbera iyaga oo waayadii hore wax aan laba maalmood ka badnayn joogi jiray magaalada berbera si dagdag ah loo raari jiray.