berberatoday.com
Xukumada Somaliland Oo Waraaq Digniina Ah Ugudbisay Shirkada DP World Ee Dekeda Berbera Laga Kireeyay Iyo Sababta
August 13, 2017 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Xukumada Somaliland ayaa Shirkada DP WQorld Ee Dekeda Berbera Maamusha Ugudbisay Waraaq Cabasho iyo Digniin Isugu Jirta taas oo la xidhiidha cabashada Kasoo Yeedhaysa ganacsatada Somaliland iyo Wakiilada Maraakiibta Dekeda berbera Badeecadaha kala duwan keena Kuwaas oo ka cabanaya in aanay sidii la rabay ugu shaqayn shirkada DP World ee Maamulka Dekeda Berbera Laga Kireeyay gaadiidkii badeecadahay keeni jiray ee mudada 7da maalmooda lagu rogi jiray ugu badnaana ay hada joogfaan laba bilood iyo kabadan.

Sida ay sheegayaan xogo lagu kalsoon yahay oo soo gaadhaya Shabakada wararka ee Berberatoday.com Xukumada Somaliland ayaa waraaqda ay ku socodsiisay shirkada DP World ku dalabatay in si dagdag ah wax looga qabto cabashada kasoo yeedhaysa ganacsatada isticmaasha Dekeda Berbera ee ka cabanaya inay badeecadohoodii Dekeda ku xaniban yihiin oo wax urara layihiin iyo gaadiidkii badeecadaha siday oo mudo dheer bada iyo Dekedaba taagnaanaya iyaga oo ganacsatadu sheegay in shaqadii shirkada DP World noqotay mid caga jiida oo aan sidii la rabay usoconayn.

Ugu Danbayntii waxa xogta aanu helay sheegaysaa in xukumada somaliland shirkada DP World ugu hanjabtay inay heshiiskii ka noqnayso hadii aanay si dhakhso ah wax uga qaban cabashada ganacsatada Dekeda Berbera isticmaasha ee kala duwan si dagdag ahna aan loo xidhin loona rogin maraakiibta bada hoganaya oo mudada dheer bada taagnaa..

Xukumada Somaliland ayaa ku khasban inay Shirkada DP World kala hadasho kala socodsiinta hawlaha ganacsi ee Dekeda Berbera oo taagan sababtoo ah waxa haawanayay maalmihii udanbeeyay khasnada kastamka Berbera oo aanay wax dakhliyi kusoo dhicin iyada oo guud ahaan dalka laga dareemayo dakhliyaan soo foodsaartay Xukumada Madaxweyne Siilanyo ee talada dalka haysa taasina ay keeni karto in la waayo muhsharaadkii ciidamada iyo shaqaalaha dawl;ada iyada oo dalkana uu ka jiro sicir barar baahsani.

Xukumada Somaliland ayaa hada isku ciil kaabiyaysa heshiiska ay la gashay shirkada DP World ee Dekeda Berbera lagu wareejiyay mudada sodonka sanadooda ee durbaba ay soo baxayaan dhaliilaha is barkan iyo shaqadii Dekeda oo isa soo taagtay iyo doorkii Dawlada oo meeshaba ka baxay.

Ilaa Hada Wasiirada Maaliyada. ganacsiga Iyo Arimaha Debeda ee somaliland oo Berbera ku sugani wax wara kamay soo saarin xaaladsa Cakiran ee ka taagan Dekeda Berbera.

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews