Qisada Heesta : Badda Caashaq Een Gudhin Ee Ay Qaado Fanaanada Sahra Axmed Jaamac”Waxa Qoray Cumar Seerbiya
August 14, 2017 - Written by Berbera Today
Dhammaadkii sannadkii 1972-kii Abwaanada Maxamed Cumar Huryo iyo Axmed Saleebaan Bidde oo ku xidhan xabsiga Mandheera ee degmada Berbera waxa maalin duhur ah loo keenay qado waxaana qofkii qada siday oo aan isaga haybtiisa la sheegin uu ku waramay in ay jirto arrin cusub oo ku saabsan Maxamed Cumar Huryo taasi oo ah inay Jabouti u dhoofayso haweenay uu u qabay jacayl ba’an.
Huryo iyo Axmed oo saaxiibo isku dheer ku ahaa xorriyada iyo xabsigaba ayaa warkan wada dhagaysanaya ninkii ayaa ku bilaabay sidan fariintii uu siday “ Ina Hebel oo ah gabadhii aad Jeclayd ina Cumaraw (Huryo) waxay u dhoofaysaa dalka Jabouti halkaasi oo uu nin Ogaadeen ahi qabiil ahaan uu ku aroosi doono dhawaan.