berberatoday.com
Wuxuu Ku Dhawaacmay Hawlgal Ciidan, Waxaana Dayacday Xukumada Somaliland oo u U Ahaa Dabxeere daacad u ah.
August 14, 2017 - Written by Berbera Today

Aadan Kayse Ismaciil Waa taliye ku xigeenkiii ku dhawaacmay Hawlgalkii La dagaalanka Maandooriyaha ee Burco, Waxaana U Ku dhaawacmay, Israsasayn Koox dablay ah, Oo ay iska hor yimadeen Kooxo Bilays ahaa oo u hogaaminayey Taliyaha Hawl galinta ee Ciidanka Booliska ee Gobolka togdheer.

Dhaawaciisa kadib, Waxaa Cusbitalka kusoo Booqday Koox u Hogaaminayey Gudomiyaha Xisbiga Talada Dalka haya ee Kulmiye iyo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi.
Waxaana Balan qaad u Sameyey Wasiirka Madaxtooyada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, Waxaa u Ku Yidhi Sarkaalkani dhaawaca ah iyo Eheladiisii, Waxaan sida ugu dhaqsaha Badan ugu samayn doonaa Basaboor Jabuutiyaan, SI Xaaladiisa cafimaad oo aan ka maarmayn dhaqtar dibadeed, Lagula eerto Dalalka Hindiya, Turkiga ama Jarmalka oo intuba xaladiisan ay wax lagaga qaban karo.

Hase ahhaate Balanqaadkaasi Wuxuu Noqday mid Ah Hal Bacaad Lagu Lisay Oo Beenoobay, Waxaana Mudo dheer oo ay sugayeen Balan qaadkii wasiirka Madaxtooyada, Qoyskii u kasoo jeeday ayaa markii dambe, Go’aansaday inay Geeyaan dalka Hindia, Waanay ku Guulaysteen oo alle kuma qadin.

Laakiin waxaa Ay La Kulmeen Markii la geeyay dalka hindia, inan waxba laga qaban karin, Dhaawacan halista ah ee wax lagaga qaban karo wadanka Jarmalka.

Hadaba Maxaa Dawladahaa La Gudbonan jiray Marka u ka dhawacmo mid kamid ah saraakiisha hawlaha qaranka u adeega.
“inta ugu badan si sharciga ah waxaa xukumadaha uga dajisan qofka ku dhaawacma hawl gal dawladu leedahay inay qabaan wax kasta oo lagula tacalayo xaaladiisa caafimaad, laakiin Sarkaalkani Muu Noqon mid Isagu Hela Xuquuqdii u Ku Laha Dawladiisa Isagoo Hawl gal dawladeed Fulinayana Lagaga Tagay Goobtii Xabadu kaga Dhacday, Dibna anay Xukumadu u sii eegin.

Arinkan ayaa Xukumada Talada dalka haysa ku Noqonaya Mid fadeexad ah, Iyadoo Niyad Jab ku Beeraysa Ciidamada Qaranka ee Daacada u ah dalkani Somaliland.

Waxaana Aan usoo Jeedin lahaa Xukumada Talada Haysa inay Uga Jawaban Arinkani sida ugu Dhaqsaha Badan.”

W/Q: Maxamed Siciid Gaaxnuug

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews