Maareyaha Dekeda Berbera Ee Shirkada DP World Ibraahim Hammada Oo Ku Gacan Seydhay Wadahal Ay La Yeesheen Wasiirada Maaliyada.Ganacsiga Iyo Arimaha Debeda Kana Kacay Kulan Ay Ugu Yeedheen
August 14, 2017 - Written by Berbera Today
Berbera(Berberatoday.com)-Maareyaha Dekeda Berbera ee Shirkada DP World Ninka Lagu Magaacaabo Ibraahim Hammada ayaa ka kacay kulan Ay Maalintii shalay Hutel Maansoor kuwada Yeesheen Wasiirada Maaliyada Samsam Cabdi Aadan, Ganacsiga Cumar Shuceyb Maxamed Iyo Arimaha Debeda Dr Sacad Cali Shire.
kulankaas oo la doonaayay in Masuulkan Shirkada DP World lagala Hadlo Caqabad ka taagan hawl socodsiintii Dekeda Berbera Iyo Cabshada Ganacsatada ayuu gabi ahaanba Ibraahim Hammada ku gacan seydhay wasiirada Xukumada isaga oo ku wargaliyay in aan shaqada Dekeda lagala Hadli karin wasiirada iyo Xukumaduna aanay shaqo ku lahayn Dekeda iyo Hab maamulkeedana iyaga lagu wareejiyay.