Hargeysa(Berberatoday.com)-Dr Sacad Sheikh Cisman Nuur Waa Wakiilkii Somaliland Ee Madaxweyne Maxamed Ibrahim Cigaal U Magacaabay Dalka Maraykanka. Sidoo kale na Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin mar kale u Magacaabay Wakiilka Somaliland Ee USA
Waa Aqoonyahan ku Xeel dheer Xidhiidhka Caalamiga ah. Wuxuu si joogto ah ugasoo baxaa saxaafada Maraykanka iyo ta dunida Islaamka. Waa Xeeldheere laga waraysto Bariga Dhexe iyo Dawladaha Islaamka. Xilligii uu ahaa Wakiilka Somaliland Ee USA si Bille ah ayuu ugasoo muuqan jirey saxaafada Maraykanka iyo Geeska Afrika. Waxa laga wareysan jirey Qaddiyada Somaliland. BBC , VOA, Al Jazira waxay ahaayeen, yihiina ilaa maanta kuwa uu kasoo muuqdo ama laga Maqlo. Waxa ugu dambaysay inqilaabkii Turkiga. Wakhtigiisii Wuxuu Xoojiyay Xidhiidhka Somaliland iyo Maraykanka. Waxa laba Jeer Washington tagay Madaxweyne Cigaal iyo Rayaale. Waxa uu suurto galiyay in Kaaliyihii hore ee Xoghayaha Arimaha Dibadda Ee USA ee Qaarada Afrika Jandy Frazer Hargeisa ka tagto