berberatoday.com
SOOL: Ganacsatada Oo Diiday Inay Wax Ku Iibiyaan Lacagta Shilin Soomaaliga Ah Iyo Mudaharaad Shalay Ka Dhacay Laascaanood
August 17, 2017 - Written by Berbera Today

Laascaanood(Berberatoday.com)-Qaar ka mid ah Ganacsatada Magaalada Laascaanood, ayaa diiday inay wax ku iibiyaan Lacagta Shilinka Soomaaliga ah oo ka soo gasha dhinaca Maamul-gobolleedka Puntland.

Diidmada Lacagta Shilin Soomaaliga ah ayaa waxa ka dhashay Mudaharaad Shalay ka dhacay Magaalada Laascaanood, kaasi oo ay dhigayeen Dad u badan Dhallinyaro, kuwaasi oo Mudaharaadkooda ku muujinayey diidmada Ganacsatadu diidday inay wax kaga iibiyaan Lacagtii ay haysteen.

Mudaharaadkan oo meelaha qaarkood rabshado isku rogey ayaan la sheegin wax khasaare ah ka dhashay, ka dib markii dhalinyaro ay weerar dhagxaan ah ku qaadeen meheradaha furan.

Waxa la sheegay in intii Mudaharaadku socday la xidhay Meheradaha qaarkood, iyadoo marmarka qaarkood la maqlayey Rasaas ay ridayeen Ciidammada Booliiska oo isku dayey inay kala eryaan Mudaharaadayaasha.

Qaar ka mid ah dadka mudaharaadka dhigay ayaa Warbaahinta u sheegay in Sababta ay Mudaharaadka u dhigeen tahay in wax lagaga iibin waayay Lacagta Shilin Soomaaliga ah oo ay haysteen.

Diidmada lacagta ayaa soo bilaabatay bishii hore markii ay soo gashay magaalada lacag duug ah oo laga keenay Dalka Soomaaliya, waxaana kaloo ay sababtay in qiimaha sarifka doolarka uu kor u kacay, khalkhala geliyey wax kala iibsiga.

Maamulka Gobolka Sool ee Somaliland ayaan illaa hadda ka hadal Mudaharaadkan, wallow uu Wargeyska Himilo xalay Dhowr jeer isku dayey inuu la xidhiidho Maamulka Gobolka aanay u suurto-gelin inuu helo Masuuliyiinta.

Magaalada Laascaanood ee Xarunta u ah Gobolka Sool, ayaa ka mid ah Deegaannada bariga Somaliland ee ay weli ka shaqeyso Lacagta Shilin Soomaaliga, inkasta oo hore Dawladda Somaliland uga beddeshay meelo badan oo Gobollada bariga ah.

 

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews