“Naga Baxa Hadaan Cali Xoorxor Idinla Socon Waxba Tarimaysaane”W/Q Maxamed Cabdillahi Soofadhiiste
“Naga Baxa Hadaan Cali Xoorxor Idinla Socon Waxba Tarimaysaane”Nin Kamida Dadka Maskaxda Ka Jiran Ee Cisbataalka Dhimirka Berbera Kujira Ayaa sidaa Kuyidhi Wafti Ay Wasiirada Maaliyada Samsam Cabdi Aadan Hogaaminaysay Oo Cisbataalka Booqday.

Saaka Mar Aanu Hawl Shaqo Utagnay Cisbataalka Dhimirka Ee Berbera Anaga Oo Warbaahin Ahaan La Socona Wasiirada Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan, Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Jaamac Yuusuf Axmed, Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Diinta Iyo Awqaafta Sheekh Saleebaan Siciid Cali Iyo Maamulaha Kastamka Berbera Ayaa Ujeedada Hawshu Waxay Aheyd Wasiirka Maaliyada oo Deeq Timir Caawimo Ah Usiday Dadka Maskaxda Ka Jiran ee Cisbataalka Dhimirka Berbera Kujira
Qisada Sheekada.
Nin Kamida Dadka Maskaxda Ka Jiran Ee Cisbataalka Kujiray Oo Shabag Noo Dhexeeyay Ayaa Waftigii Aanu La Soconay Ee Wasiir Samsam Hogaaminaysay Hal Mar Ku Yidhi Intuu Cod Dheer Ku Dhawaaqay Naga Baxa Hadaan Cali Xoorxoor Idinla Soconin Waxba Tarimaysaane.Kadibna Waxa Iyagun Hadalkaas Ninkii Ka Daba Yidhi Dhawr kaloo Kamida Dadkii Maskaxda Ka Jiranaa Oo Shabaga Soo Taagnaa.
Iyaga oo sii raaciyay Cali Xoorxor waxa uu ahaa ninkii Roodhida Naga Bixin Jiray aanu Ku Quraacano Wixii aanu Uga bahanana Waa Noo Keeni jiray.
Wasiir Samsam Ayaa Nimankii Si Xushmadleh Oo Dagan Ugu Jawaabta Cali Xoorxor Waxaanay Tidhi”Eedo Maanta Cali Xoorxor Nalama Socdo Oo Wuu Naga Hadhay Laakiin Wuu Idii Iman Doonaa.
Dhawaaqa Nimanka Maskaxda Ka jiran ee Ku Jira Cisbataalka dhimirka Ee Berbera waxay cadaynaysaa inuu Eng. Cali Xoorxor Maareyihii Ee Dekeda Berbera ahaa Nin Dadka kuwa Xanuunsan ee Maskaxda ka Jiran Iyo Kuwa Caafimaadka Qaba Ee Isugu Jira danyarta Iyo dadka Ladanba Iyo Waliba Kuwa baahan Ee xaaladaha Caafimaad Daro Lasoo Daristo intaba Wax Tari jiray aad Looga Tabay Guud ahaan Dalka Somaliland Oo Gacantiisa Gurani Wada Gaadhay.
Dhacdadani Maaha Mala Awaal Waa Mid aan Usoo Taagnaa Oo Dhaba dad Badanina Markhaati Ka Ahaayeen.