berberatoday.com
Dekeda Berbera Oo Saaka Biyihii Badu Ku Fataheen Iyo Sababta Keentay
August 21, 2017 - Written by Berbera Today

Berbera(Berberatoday.com)-Waxa Saaka markaliya Dekeda Berbera Kusoo fatahay Biyaha bada iyada oo Saaka subaxnimadii ay dabayl xoogan oo bada kicisay dhacaysay magaalada Berbera Waxaana Mar kaliya la joojiyay shaqadii Maraakiibta Rarka rogaayay maadama oo kaalalkii Maraakiibta Hoostooda ee barxada Dekeda ay biyaha Bada ee dekeda sabadeeda kasoo booday ay fadhiisteen.

Sababta Keentay inay Biyaha badu kusoo boodaan Barxada Dekeda ayaa waxa loo malaynayaa siday horeba usheegeen khuburo dhinaca Dekedaha iyo qaabka Loo dhiso ku takhasusay buuxinta Goobta loo yaqaan BBC-da Ee Berbera oo ah Goob ay biyaha Badu ku nafisaan oo hada shaqsiyaad ganacsato ah Xukumada Sare ee Somaliland soo siisay lana buuxinayo Oo Dhagax Iyo Ciid Baryahanba lagu daabulaayay goobihii badu ku nafisi jirtay Xiliyada ay Soo Buuxsanto iyada oo Hutelo ganacsi laga dhiganayo, Taas ayaa loo malaynayaa inay keentay Cabudhka Biyaha Bada ee Dekeda Kusoo fatahay Saaka ee shaqada loo joojiyay.

Inkastoo aan Loo ogolayn inay saaxafada Berbera amar la,aan Dekeda Ku Gasho iyada oo qalabaysan ayaa hadana Waxa warkan nasoo gadhsiiyay shaqsiyaad kamida shaqaalaha Dekedea ee Muruqmaalka ah oo shaqada la joojiyay kasoo dareeray.

Saaka Markay Biyaha Badu Soo boodeen ee barxada Dekedu wada Biyo Badeed Noqotay ayaa la joojiyay dhamaan shaqadii Dekeda ee Rogida maraakiibta Badeecadaha kala duwan sida.

Shirkada DP World Ee Dekeda Berbera Laga Kireeyay ayaa shaqadii Ka Eriday Eng. Cabdiraxmaan Maxamed Yuusuf oo ahaa khabiir ku takhasusay dhismaha Dekedaha islamarkaana ushaqayn jiray Shirkadii Marayknka ahyd PWK ee Qeyb kamida Dekeda berbera dhistay Sanadii Sideetamaadkii,

Cabdiraxmaan Maxamed Yuusuf ayaa ilaa intii Somaliland jirtay ahaa Engneerka Dekeda Berbera Ee Hadiyo Jeer Ka Taliya dhibaatooyinka Dekeda Uga Iman Kara dhismayaal Bada La buuxiyo oo lagu soo dhaweeyo iyo dhibaatada ka dhalan Karta. Halka Maareyihii Hore ee Dekeda Berbera Eng. Cali Xoorxorna dagaal adag ka Gali Jirtay In Xaydaabka Bada Dekeda Ku xeeran loo soo dhawaado taas oo badbaado u ahayd Dekeda Berbera ee Qaranka Somaliland Isha Dhaqaalaha u ah.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews