Axmed Siciid Baqare Oo Kamida Macalimiinta Wax Dhiga Dugsiyada Berbera ayaa Shaaciyay Inuu Utaaganyahay Musharaxnimada Golaha Wakiilada Somaliland Ee Gobolka Saaxil
March 27, 2016 - Written by Berbera Today
Axmed saciid Baqare oo kamida Aqoonyahanka Gobolka saaxil ahna Macalin Iskuul iyo Maamule,ba Aqoontiisuna Gaadhsiisan Tahay Heer Jaamacadeed ayaa Maanta Shir Jaraa,id oo u Ku Qabtay Berbera Waxa Uu Shaaciyay in u Yahay Mushrax Doorshooyinka Soo Socda ee Baarlamaanka Somaliland Mushrax Amed saciid Baqare Ayaa Waxa u Sheegay in ay Hore Uga Wada hadleen Odayaashiisa Beesha Axmed Faarax ,Taageerana ay Ugu Balan Qaadeen, Dhanka Kale Mushrax Axmed Saciid Waxa u Sheegay in uu 16 Sanadood u Macalin Ka Ahaa Berbera uuna Shacbiyad Balaadhan u Ku Haysto o Taageersan Mushrax Nimadiisa Golaha Baarlamaanka Somaliland , Waxaanu xusay in uu Yahay Muwaadin Xaq u Leh in uu Hankiisa Soo Bandhigo , Ma Mushraxa Axmed Saciid Baqare ay Saxaafadu Waydiisay Xisbiga uu Mushraxa Ka Yahay Wuu Ka Gaabsaday Waxaanu Yidhi xiligeeda Hala Gaadho Mushrax