Wasiirka Arrimaha Dibedda Sacad Cali Shire Oo Hoos U Dhaca Adeegyada Dekedda Berbera Ku Dhaliilay Maamulka Shirkadda DP World Ee Saxeexiisu Keenay
August 24, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa ka hadlay Hoos u dhaca laga dareemayo Dekedda Magaalada Berbera tan iyo markii ay Maamulkeeda la wareegtay Shirkadda DP World.
Wasiir Sacad Cali Shire wuxuu sheegay in Adeegyada Dekedda Berbera si wanaagsan u socdaan, laakiin Mushkiladda jirtaa tahay in Rogidda ama Dejinta Alaabooyinka Maraakiibtu sidaan oo dib u dhaca ama Daaha, taana ay Masuuliyaddeeda leeyihiin Maamulka Shirkadda DP World ee Dekedda Berbera.