Shir Lagaga Arrinsanayo Mustaqbalka Khaatumo Oo Ka Furmay Maraykanka Iyo Siyaasi Mucaarad Ku Ah Galaydh Oo Ka Jeediyey Hadallo Colaadeed
August 27, 2017 - Written by Berbera Today
Columbus(Berberatoday.com)-Waxa Magaalada Columbus ee Gobolka Ohio ee Dalka Maraykanka ka furmay Shir ay iskugu yimaaddeen Siyaasiyiinta iyo Hal-doorka Deegaannada Buuhoodle iyo Sool, Shirkaasi oo ay kaga Arrinsanayaan waxay ugu yeedheen Aayaha Khaatumo.
Dadka Shirkan ka qayb-galay ayaa waxay doonayaan inay wax iska waydiiyaan inay Aragti ahaan taageeraan Wada-hadallada Cali Khaliif Galaydh la wado Xukuumadda Somaliland iyo inay ka soo horjeedsadaan oo ay Colaad dhiig ku daato ka hurriyaan Deegaannada SSC.
Shirkan ayaa waxa Dadka ka qayb-galay ka mid ah Dr. Cali Ciise Cabdi, kaasi oo ka mid ahaa Siyaasiyiintii wax ka aasaasay Kooxda Khaatumo ee uu Galaydh Hoggaamiyo, balse Xilligan ka soo horjeeda wada-hadallada Khaatumo iyo Somaliland.