berberatoday.com
Akhriso”Qisada Aabbo Badda Ku Waayay Xaaskiisii Iyo Carruurtiisii Oo Uu Yurub Ula Tahriibayey
August 28, 2017 - Written by Berbera Today

Napoles Italy(Berberatoday.com)-Saddex Sawir oo keli ah ayaa Yaya Sangare uga hadhay qoyskii uu lahaa oo ka koobnaa 5 qof.

Waxa ay ahayd 9 bilood ka hor markii xaaskiisa iyo laba wiil oo uu dhalay ay ku qaraqmeen xeebaha Liibaya.

“Waxa aan ku hayay gacmahayga wiilkayga oo markaasuun dhashay ee Kami Davide markii uu dhimanayay,”ayuu si qiiro leh u yidhi.

Yaya Sangare waxa taleefoonkiisa gacanta ugu jira sawirada qoyskiisa.

Xaaskiisa Seri Dejezi iyo laba wiil oo ay u dhashay oo 12 jir iyo 14 ay da’doodu ahayd ayaa ku dhintay badda Mediterranean ka dib markii ay degtay doonidii ay saarnaayeen.

Yaya Sangare oo imika gaadhay dalka Taliyaaniga gaar ahaan magaalada Napoles ayaa ka warbixiyay musiibadaasi.

Waxa uu fadhiyaa goob laga cunteeyo isaga oo rogrogaya sawirada wiilashiisa badda ku dhintay, “Wiilashani…aad ayaan u jecelahay.”ayuu yidhi.

Waxaa qoyska Yaya imika ka soo hadhay isaga iyo Gabadhiisa Deborah oo jirta 4 sano.

Gabadhani yar ayaa qoslaysa islamarkaana heeseysa mararka qaarna soo dhufanaysa gacmaha Aabaheed si uu ugu soo jeedsado.

Gabadhan yar ee Deborah waxa ay saarnayd Doonida maalintii ay badda ku dhimanayeen hooyadeed iyo Wiilasha la dhashay, “Waan u sheegayaa maalin maalmaha ka mid ah waxa dhacay oo mararka qaar ay xusuusato, balse maalin ayaan inta aan la fadhiisto u wada sheegi doonaa sheekada, balse hadda way igu adagtahay”ayuu yidhi Yaya.

Asal ahaan Yaya waxa uu ka soo jeedaa dalka Ivory Coast, waxaanu dalkaasi ka soo qaxay xiligii dagalkii sokeeye ee 2002.

Yaya Sangare markii uu dalkiisa ka soo qaxay waxa uu ka gudbay saxaaraha Mali ka dib waxa uu uga sii gudbay Algeria, waxa ayna isaga iyo qoyskiisa ku noolaayeen xero qaxooti.

Yaya ayaa Algeria, uga sii gudbay Liibiya oo ay isaga iyo qoyskiisa ku sugnaayeen saddex bilood.

Hasa yeeshee, Yaya waxaa ka go’nayd in uu Yurub gaadho isaga oo badda sii maraya.

Badda u dhaxaysa Liibiya iyo Taliyaaniga ayaa marin u ah muhaajiriin badan oo doonaya in ay gaadhaan Yurub.

Intii u dhaxaysay January illaa bisha August ee sanadkan, 97,000 oo qof ayaa si sharci daro ah ku galay dalalka Yurub sida ay sheegtay hay’adda caalamiga ee socdaalka(IOM).

Balse marinkan badda ayaa ah mid dhib badan oo ay dad badan ku dhinteen.

In ka badan 2,000 oo qof ayaa illaa iyo hadda ku dhintay badda sanadkan oo kali ah.

“Waxa aan rabnay in aan ka tagno Liibiya sababtoo ah Liibiya waa meel dhib badan waxa aan doonayay in aan qoyskeyga noolal wanaagsan Yurub uga raadiyo,”ayuu yidhi Yaye.

Waxa uu sheegay in xaaskiisa iyo carruurtiisa uu waayay markii ay doonida rogmatay ka dib na uu Meydadkooda uu arkay.

Yaya Sangare si uu magaalada Sicily ee Taliyaaniga u gaadho waxa uu dadka wax tahriibiya siiyay in ka badan $3,560 doolar, “Waxaa doonida saarnaa 154 qof dhamaanteenana waan is dulsaarnayn,”ayuu yidhi Yaya.

Yaya Sangare oo u warramay BBC ayaa sheegay in doonidii uu saarnaa ay ka badbaadeen 19 qof oo kali ah.

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews