Siyaasiyiinta Musharaxa Waddani Ku Xeeran Ma Yihiin Kuwo Erayga (Isbadalka) Ee Ay Sheegan Keeni Kara? Mise Waa Iga Dheh
August 29, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Mushraxa xusbiga waddani Md, Cabdiraxmaan maxamed cabdilaahi (ciro) oo isaga saaxada siyaasada dalku ay ugu horaysay 2005 ti isla markaana xiligaa ilaa bishan aan imika ku jirno horaanteedi ahaa gudoomiyaha baarlamaanka somaliland oo mudo 12sano ka badan kursigaa ku fadhiyay isla markaana aan ahayn mid lagu tilmaami karo siyaasi majuura ama lehba curin iyo hal-abuur siyaasadeed midna, ayaa aqoon-yahanka ku xeeran oo idil ahaantoodba xukuumadan iyo xukuumadihii ka horeeyay ba xilal sarsare ka soo qabtay ay marwalba fagaarayaasha la taagan yihiin ereyga ISBADAL, kalmadaas oo micno wayn iyo xigmadiba ku duugan tahay balse iyagu aanay ahayn kuwo qiimaynteeda garaadkoodu gaadhsiisan yahay garashadeeda, sababtoo ah waxa iswaydiin noqonaysa yaa keena isbadalka yaase samayn kara? jwaabta suaashasi waa ay noqonaysa waxa keeni kara marka isbadalloo baahdo waa dhiig cusub oo leh curin ama hal-abuur siyaasadeed oo lagu jaan-gooyo hirgalinta hawlaha qaranka ee umada masuulka looga noqonayo.