Maxaabiis Tiro Badan Oo Xalay Ka Baxsaday Saldhiga Dhexe Ee Magaalada Hargeysa
August 29, 2017 - Written by Berbera Today
Hargaysa(Berberatoday.com.com)-Waxa xalay saacadu markay ahayd abaaro 10:30 habeenimo saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa ka daatay oo ka dhacay maxaabiis tiro badan oo ku xidhnaa saldhiga.
Waxaana Maxaabiistan oo ku xidhnaa Saldhigu ay ka dhaceen sida ay shabakada Ramaasnews oo goobta gaadhay kuna sugnayd ay u xaqiijiyeen askari ka tirsan Saldhiga iyo dad goobta ku sugnaa xagga danbe ee saldhiga iyaga oo Maxaabiistan naloo sheegay inay dalooliyeen qolkii ay ku xidhnaayeen waa sida ay Ramaasnews ay u sheegeen dad goob joog ahaa oo aan saldhiga hortiisa xalay kula kulanay.
Maxaabiistan xalay ka baxsaday Saldhiga dhexe eyaa tiradoodu gaadhaysay ilaa Dhawr iyo Toban Maxbuus oo ku xidhnaa saldhiga,kuwaas oo dambi kala duwan loo haystay laguna soo eedeeyey,qaarkoodna maanta loo qaadi lahaa Maxkamadda si loo dhagayso kiiska lagu haysto.