Somaliland: War Cusub Oo Ka Soo Baxay Guddiga Qaran Ee ‘KA SOO KABASHADA ABAARAHA’
September 1, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddiga Qaran ee ka soo Kabashada Abaarihii soo noqnoqday, ayaa Maanta Shaaciyey in la bilaabayo Mashaariicda Ka soo kabashada Abaaraha, sida Beero loo qodayo Dadka iyo waxyaabo kale oo muhiim ah.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta oo Maanta ka hadlayey Shir-jaraa’id oo Guddiga Qaran ee ka soo kabashada Abaaruhu ku qabteen Hargeysa, ayaa Sheegay in bisha September ee beri curanaysa la bilaabo doono 9 Kun oo Beerood oo loo qodayo Beeralayda Gobollada bariga iyo Galbeedka Somaliland.