War Deg Deg Ah”Maxkamadda Sare Ee Dalka Kenya Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaantay Natiijadii Doorashada Madaxweynaha Kenya , Isla Markaana Amartey In Mudo 60 Maalmooda Doorasho Xor Iyo Xalaal Ah Lagu Qabto
September 2, 2017 - Written by Berbera Today
Nairobi(Berberatoday.com)-Maxkamadda ugu sarraysa dalka Kenya ayaa waxba kama jiraan ka soo qaadday doorashadii madaxtooyada ee dhawaan ka qabsoontay dalkaasi.Guddoomiyaha maxkamadda ugu sarraysa Kenya David Maraga ayaa sheegay in ay ogaadeen in wax isdabomarinno badan ay dhaceen, wuxuuna amray in 60 maalmood gudahood lagu qabto doorasho xalaal ah.
Guddiga doorashada ayaa ku dhawaaqay in madaxweynaha talada haya Uhuru Kenyatta uu ku guulaystay doorashada, isaga oo ka horreeyay Raila Odinga 1.4 milyan oo cod.