90 ilbidhiqsi Walaal kaga boggo Sheekada burma.
حكاية بورما
Dhibikuma jirto waqtigaaga inaad 90 ilbidhiqsi kasiiso qoraalkan si aad u ogaato waxay tahay dhibaatada Burma iyo muslimiinta ku nool.
Sheekada oo gaaban waxay tahay.
Waa dawlad gooni u taagan magacaceedu yahay ( ARAKAN) (أراكان) waxa ku noolaa 3 malyan oo muslimiin ah, waxa bilawday in islaamku ku faafo dawlad xuduud la lahayd oo magaceedu ahaa ( Burma) (بورما) taas oo ay dagan yihiin Budiyiin , sanadku markuu ahaa 1784 waxay xaasideen Buudiyiintii muslimiintii ku noolaa ARAKAAN wayna la dagaalameen, waxay dileen muslimiintii ku noolaa meeshaas waxayna ku sameeyeen ficilo bahalnimo ah.
Waxay ku soo dareen gobolkii gaarka u taagnaa ee muslimiinta wadankoodii Burma waxayna u bixiyeen wadan cusub oo magiciisu yahay ( Maynamar) waxayna noqdeen qayb ka mida ah Burma , muslimiintii kaliga u taagnaa waxay noqdeen dad yar oo wadanka ay kaga badanyihiin Budiyiintu tiradooduna tahay 3 ilaa 4 malyan.
Budiyiintu tira ahaan waxay ahaayeen 50 Malyan.
Muslimiintu waxay samaysteen tuulooyin gaar ay u leeyihiin oo ay ku noolaadaan oo ay ku ganacsadaan dhexdooda waxana kafaalo qaaday Haydo khayri ah culimadoodii iyo masaajidoodii.
Waxay noqdeen Budiyiintii wadanka u badnaa kuwo weerara tuulooyinkii muslimiinta si ay uga saaraan guryahooda.
Wakhti yar oo an fogayn waxa dhacday gawracid argagax leh, oo koox Buudiyiinta kamid ahi ay ugaysteen10 qof oo culimadii diinta ah kuwaas oo ahaa kuwii quraanka xifdisanaa oo ku wareegi jiray tuulooyinka muslimiinta si ay u baraan quraanka iyo diinta.
waxay ugu yeedhi jiren diinta iyo cilmiga lagu badbaadayo akhiro, way isu guurin jireen waxayna bari jireen arimaha khuseeya diintooda islaamka.
kooxdii Aynu kor kusoo sheegnay ee Budiyiinta cunsiriyiinta ahaa ayaa la kulmay Gaadhi ay wateen 10ka wadaad ee aynu soo sheegnay, waxay bilaabeen inay gaadhiga kasoo dejiyaan, oo ay garaacaan weliba garaacid daran, ku ciyaraan jidhkooda iyagoo mindiyo ku jarjaray kadib waxay bilaabeen inay mid kamid ah Culimadii Carabka ka gooyaan iyagoon u naxariisanayn.
waxaas oo dhan waxay u dhaceen xaasidnimo dadkaas ku aasan oo ay u hayaan muslimiinta, maxaa yeelay waxay ahaayeen kuwo dadka diinta ugu yeedha illaahay bara, quraanka bara, waxay bilaabeen ducaadi iyo dadkii diinta inay jarjaraan mindiyo , islamarkaa ay googooyan gacmahooda iyo lugohooda ilaa ay mid mid u dhiinteen.
muslimiintii way kaceen iyagoo difaacaya culimadoodii iyo imaamyadii masaajida .
Budiyiinyii waxay bilaabeen inay gubaan tuulooyinka midba mida ku xigata ilaa ay gaadheen guryihii gubtay 2600 guri, waxaa ku dhintay intii ku dhimatay, waxana cararay intii caratay, waxana ka qaxay tuulooyinkaa 90,000 kun iyagoo bada iyi bariga maray, wali kama dhamaan qawricidii iyo dilkii inuu u socdo si joogta ah.