berberatoday.com
Maamulka Awdal Oo Warramay Tirada Dad Ku Dhintay Roobab Ka Da’ay Gobolkaas Oo Hooyo Iyo Ilmo Ay Dhashay Ku Jiraan
September 8, 2017 - Written by Berbera Today

Awdal(Berberatoday.com)-Ugu yaraan Shan Ruux oo ay Hooyo iyo ilmo ay dhashay ku jiraan, ayaa ku dhintay Danab ka dhacay iyo Daadad ka dhashay Roobab Habeen-hore ka da’day deegaanno ka tirsan gobolka Awdal, sida uu Xaqiijiyey Maamulka gobolku.

Ku-simaha Guddoomiyaha gobolka Awdal ahna Badhasaab Ku-xigeenka gobolkaas Cabdi Nuur Sugaal oo u warramay Maanta Weriyaha Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da u jooga magaalada Boorama Haashim Sheekh Cumar Good, ayaa xaqiijiyey dhimashada Dadkaas iyo goobaha ay ku kala dhinteen.

“Waxa la soo dheegayaa degmada Baki meesha Xoorray la yidhaahdo inuu Danab ku dhacay Xaas, kaas oo ka koobnaa Hooyo iyo Saddex Carruur ah oo ay dhashay, waxaana halkaas ku dhintay Hooyo iyo ilmeheedii.” Sidaa ayuu yidhi Ku-simaha Guddoomiyaha gobolka Awdal Cabdi Nuur Sugaal.

Waxa uu Badhasaab Ku-xigeenka Awdal oo sharraxaaddiisa sii watay, intaas ku ladhay; “Meesha la yidhaahdo Xamarta oo Dheenta ku xigta oo Baki ka tirsan, 3 Nin oo joogay ayuu Danab ku dhacay, 3-dii Nin mid wuu dhintay, labana waa dhaawac. Markaa, degmada Baki khasaaruhu waa 3 Qof oo dhimasho ah iyo 4 dhaawac ah; siday Wararku nagu soo gaadhayaan.”

“Degmada Boorama intaan weli haynaa, waa laba Qof oo dhimasho ah. Daadku Camuud ayuu ku qaaday laba Qof iyo Baabuur, labadii Qof waa dhinteen, Baabuurkiina wuu ka hadhay oo weli lama soo qaadin, Warbixintana waa la soo ururinayaa.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Ku-xigeenka ahna Ku-simaha Guddoomiyaha gobolka Awdal Cabdi Nuur Sugaal.

Roobab laxaad leh, ayaa Maalmihii iyo habeennadii toddobaadkan ka da’ay deegaanno kala duwan oo Dalka Somaliland ka tirsan, waxaanu ugu xoogganaa Roobab da’ay Khamiistii iyo Jimcihii gobolka Awdal, iyadoo illaa hadda aanay jirin Warar kale oo sheegaya meelo kale oo uu Khasaare dhimasho Dad ah ka geystay sida deegaannadaa Awdal ka tirsan oo kale

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews