berberatoday.com
War Deg Deg Ah”Madaxweyne Siilanyo Oo Hada Xukuumadiisa Ku Sameeyey Magaacbis Iyo Isku Bedel Iyo Maareye Cusub Oo Loo Magacaabay Waaxda Faraca Bada Ee Dekeda Berbera
September 10, 2017 - Written by Berbera Today

Hargeysa(Berberatoday.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxa uu xeer madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-5026/092017 uu isku bedel iyo magacaabid ku sameeyey qaar ka mida gudoomiyeyaasha gobolada dalka iyo maareeyahaasha hay’adaha madaxa banaan ee dalka.

Madaxweynuhu:

 

 

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo in isku beddel lagu sameeyo jagooyinkan hoos ku xusan;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday in laga bilaabo taariikhda Xeerkan

In Mudane, Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine), uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland. (bedel hore Awdal)

In Mudane, Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale), uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Awdal ee Jamhuuriyadda Somaliland. (bedel hore Maroodi-jeex)

Magacaabida iyo Isku bedelka Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ahi (NERAD)

Markuu Arkay:Qodobka 90aad, Faqradiisa (3)aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ahi (NERAD) u leedahay dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Maareeyaha, iyo la taliyaha madaxweynaha ee Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee (NERAD);

Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Axmed Yuusuf Dirir, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee (NERAD) ee Jamhuuriyadda Somaliland. (bedel hore maareeyihii hay’adda dekeda)

In Mudane, Maxamed Muuse Cawaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La Taliyaha Hay’adda Ka Hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee NERAD ee Jamhuuriyadda Somaliland. (bedel hore maareeyihii Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee (NERAD)

Magacaabida Maareeyaha Hay’adda Dekedaha

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Dekeduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland;

Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Mudane, Siciid Xasan Cabdillaahi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland. (hore maareeyihiin Hay’ada mucaawimooyinka WFP)

 

 

Berberatoday.com

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews