“Dugsiyadii Aan Lacagta Soo Shubin Heli-maayaan Shahaadooyin, Arday Aan Shahaado Haysanna Fasalka Fadhiisan Maayo…”Daa,uud Axmed Faarax Gudoomiyaha Itaxaanadka Qaranka Somaliland
September 13, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax, ayaa sheegay inay Sabtida Toddobaadka soo socda ku dhawaaqi doonaan Natiijada Imtixaannaadka Shahaadiga ah ee Sannad-dugsiyeedka 2017-2018-ka.
Guddoomiye Daa’uud Axmed Faarax (Daa’uud Gadh-weyne) oo Shalay Shir-jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Hargeysa, ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya yidhi “Waxaanu iclaaminaynaa in aanu Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Dugsiga Sare iyo Dhexe-ba ee Sannad-dugsiyeedka 2017-2018-ka ku dhawaaqayno 16-ka bishan September oo ku beegan Sabtida soo socota, maaddaama oo Annaga (Xafiiska Imtixaannaadka Qaranka) iyo Ardaydaba ay Ummad badan oo Reer Somaliland ahi na sugayso.”