Maraakiib Sida Shiidaal Tayadiisu Hooseyso Oo Makiinadaha Gaadiid Waxyeeli Kara Oo Haamaha Shiidaalka Berbera Kusoo Fooleh Iyo Wasaarada Ganacsiga Oo Ogolaatay In Shiidaalkaas Dalka La Keeno
September 14, 2017 - Written by Berbera Today
Dubai(Berberatoday.com)-Tan iyo Sanadkii 1991 Xiligii Taliskii Milatriga Ahaa Laga Eryay Arlada Somaliland Dalkani Wuxuu Ku Socday Tadawar Xawli Ah oo Dhinac Walba Leh Iyadoo Wax Walbana Kor Loo Qaadayay Tayadooda, Tayada Shidaalka La Keeno Somaliland Ayaa Ahaa Mid Standar Ah Oo Lamida Ka Caalamka Laga Isticmaalo Tobankii Sano Ee U Danbeeyay Waxaana Seeska Usii Dhigtay Shirkadii Total oo Siwanaagsan U Illaalin Jirtay tayada Shidaalka, Sida La Ogyahay,na Maamuladii Ukala Danbeeyay Illaa Intii Total Laga Eryay Dalka Waxay Halkii Kasii Wadeen Illaalinta Tayada Shidaalka Inkastoo Dhoowr Jeer Dalka La Keenay Shidaal Standar Kiisu Hooseeyo Oo Ah RON 92 Kaas Oo Baabuurta Ka Dilay Injiiinada, Shir Dhawaanta Bishan Sagaalaad Ee 2017 ka Horanteedii Lagu Qabtay Hargaysa oo Lagaga Arinsanaayay Arimaha Shidaalka Dalka Yimaada Oo U Dhexeeyay Gancstada Keenta Shidaalka iyo Wasaarada Gancsiga iyo Maalgashiga Caalamiga Ah Ayaa Sida Warar Xog Ogaal Ahi Sheegayaan Wasaarada Ganacsigu Ogalaatay In Wadanka la Keeno Shidaalka Standar Kiisu Yahay RON 92 Oo Ah Mid Tayadiisu Hoosayso Waxyeelana Ugaysan kara Gaadiidka Yar yar Ee Patrolka Ah,