Mujaahid Cali Gurey Oo Khilaafka Xisbiga UCID ku tilmaamay Mid Cid Gaar Ahi Ugu Shaqeynayso Xisbiyada Kale
March 29, 2016 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Guddoomiye ku xigeenka 3aad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali gurey)ayaa khilaafka Xisbiga Ucid ku tilmaamay in Guddoomiyaha Xisbigaasi uu ugu adeegayo Xisbi kale.
Mujaahid Cali Gurey waxaa uu sheegay in khilaafkan soo noqnoqday ee Xisbigaasi ka dhashay dabada ku hayo In dantii Xisbigaasi laga hormariyey Dan Xisbi Kale.
Maqaal kooban oo Mujaahid Cali Gurey kaga hadlay Khilaafka UCID oo uu ku baahiyay degal uu ku leeyahay barta ay bulshadu ku wada xidhiidho ee Facebook waxaa uu dhignaa Sidan:-