berberatoday.com
“Hanaayaha Tashaha Labada Gole Soo Hor Kacay Daalin.Hawdkiyo Ilaa Bari Galbeed Hadal Xun Lay Geystay.Ee Hurinta Reer Saaxil Uu Uunku Wada Hiifay.Hatigaada Waatay Dagaal Nagu Hujuumeene.Dekedii Hufnayd-baa Durtaba Haawatoo Madhane.Haantii Cashuuraha Beryahan Hilayga Loo Jiidye”Abwaan Xiis Maxamed Cilmi(Shanfool)
September 15, 2017 - Written by Berbera Today

Haraddii dhaqaalaha markii hororku shaasheeyay. 
Heshiisyada markay dowladani iibka ugu heestay. 
Hasheenii irmaanayd kolkii carabtu hoomayday.
Wasiirada u heelani bulshada hoonka ugu baaqday.
Hanaayaha tashaha labada gole soo hor kacay daalin.

Hawdkiyo ilaa bari galbeed hadal xun lay geystay.
Ee hurinta reer saaxil uu uunku wada hiifay.

Hatigaada waatay dagaal nagu hujuumeene.
Hubaal waxad lahaydeen nimcaad ka hirqan doontaane.
Hadhuubada ka buuxsiyo markaan heenso idhi xoorka.
Ku hungowde dheeftaad dhamaan u hanqal taagteene.
Dekedii hufnayd-baa durtaba haawatoo madhane.
Haantii Cashuuraha beryahan hilayga loo jiidye.
Maaliyada hoosta u dhacdee haynti laga waayay.
Maraakiibtan boqolaal habeen hiish la rogi waayay.
Habacsani darteed ganacsatadan ciil hurdada diiday.
Darkan laga huleelaanay iman huudhi iyo doonyo.
Halistana dhawaan inay duntiyo hoogga la xidhmaysa.
qarankaa hogaankiyo ka lumay hagihi loo doortay.
kudladaha halaagoow nabsaad ku hafan doontaane.
horseed baaqday iyo waxa tihiin qaar habaar qaba’e.
anigoo hubsada idinku idhi hoga tusaalaaye.
soodigi hunguri aawadii hoo’da iga raacay.
taladiini hays iyo haday keentay hodadaamo.
durba himiladiiniina tahay shar iyo hoosaaso.
marsadii halaysoo mar qudha hadafki beenoobay.
idinkaa hormuud noo ahaa ceebna hoorsadaye.
moogoow hadeertana bartuu reerki u hayaamay.
Ma hagaagsanoo shacabki way ka hor yimaadeene.
hanka gudhay rejada heerantee seegtay hilinkeedu.
Waa horumarkaad sheegayseen halalacdiisiiye.
hambalyaan ku leeyahay wixii hawlo idin gaadhay.

Abwaan Xiis Maxamed Cilmi(Shanfool)

Berbera Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews