“Muuse Biixi Laftiisa Ayaa Sheegay In Dalku Xaalad Adag Ku Jiro, Dalka Ninkii Galiyay Xaalada Adag Ka Saarimaayo…”Hogaamiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xassan”Daawo Muuqal
September 15, 2017 - Written by Berbera Today
Qoyta(Berberatoday.com)-Hoggaamiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay in Musharaxa xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi laftiisu uu qiray in dalku uu ku jiro xaalad, waxaanu hogaamiye Xirsi tilmaamay in Xaaladaasi ninkii galiyey aanu ka saari kari.
Hogaamiyaha xisbiga Waddani ayaa hadalkan ka sheegay fagaare uu bulshada reer Qoyta ee gobolka Togdheer kula hadlaayay, isaga iyo wefti balaadhan oo xisbiga Waddani ka tirsan oo socdaal ugu baxay gobolka Togdheer.
Hoggaamiyaha Xisbiga Waddani oo ugu horayna dadweynaha gobolka Togdheer gaar ahaan Qoyta uga mahadnaqaya sida balaadhan ee ay u soo dhaweeyeen ayaa waxa uu yidhi “Waan idin salaamayaa, Salaan ka dibna aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin sida qiimaha badan ee aad noo soo dhaweyseen, noo qiimayseen ilaa xalayto intii aanu safarka ku soo jirnay aan loo kala seexan.” Ayuu yidhi Hoggaamiyaha xisbiga Waddani, waxaanu intaasi ku daray mar uu ka hadlayey ujeedada safarka xisbiga Waddani uu ugu baxay gobolka Togdheer “Insha Allaahu Tacaalaa, Maanta waa safarkii halkan diyaargarowga Ololaha iyo kaambaynka aynu isku diyaarinaynay, bishii kaambaynka 29 habeen ayaa inaga xigay, 29-kaa habeen waa diyaargarawgii, safarkayaguna waxa uu hordhac iyo horaantiisii uu yahay diyaargarawga aynu isku diyaarinayno ololaha iyo kaambaynka, maalintii guushana 59 habeen ayaa inaga xiga insha allaah.