berberatoday.com
In Ka Badan 30 Wariye Oo Aan Waligood Xiisad Xaadirin Oo Ka Qallin Jabiyey Jaamacada Job Key Oo Ku Taal Muqdisho Iyo Fadeexada Ka Dhalatay
September 20, 2017 - Written by Berbera Today

in ka badan 30 Wariye oo aan Waligood xiisad xaadirin oo maanta ka qallin jabiyey Jaamacad ku taal Muqdisho.

Marka aad Soomaaliya joogto waqti iyo Juhdi kaagama baahno inaad qaadato Shahaahada Bachelor Degree sababoo ah waxaa jiro jaamacado loo furay kaliya lacag iyo inay helaan arday badan.

Haddaba maanta oo ay taariikhdu tahay 20 September, waxaa Magaalada Muqdisho ka taagan fadeexad weyn oo ku habsatay Jaamcadda Job Key oo kamid ah jaamacadaha aadka u fududeeyey waxbarashada Dugsiga sare iyo Heerka 1-aad ee Jaamcadda.

Jaamacadda Joob Key oo ku lamaansan dugsiga sare ee la fududeeyey ee Adulty ayaa maanta waxaa la sheegay inay u qallin jabinayaan arday badan.

Ardayda kale ma xaqiijin karno inay si xaq ah wax usoo barteen, balse waxaa shaki weyn keenay markii halmar la arkay in ka badan 30 Wariye oo Magaalada Muqdisho ku sugan kuwaas oo kamid ah ardayda Maanta qallin jabinayo.

30-kaan Wariye oo la xaqiijiyey inaysan waligood xiisad aadin ayaa la sheegay inay arrintaan u fududeysay Jaamacadda Job Key, iyadoo lagu micneeyey sababta keentay arrintaan labada qodob ee soo socoto:

1) Jaamacadda oo markii horeba loo furay inay hesho lacag (Money Interest) sidaas darteed 30 Wariye oo midkiiba bishii laga qaadayey 30 Dollar waa lacag aad u badan.

2) Jaamacadda oo dooneyso inay arrintaan magac ka sameyso Maadaama wariyayaashaan ay yihiin kuwa magac ku leh Muqdisho, waxay is dhaheyn amaad ka heshaan Marketing.

Sida ay shabakadda Guuxa Online xogta ku heleyso qaar kamid ah wariyayaashaan ayaa la sheegay inayba is diiwaan geliyeen Bishii Augusts 2017 halka September oo maanta 20 ah ay qaadanayaan Shahaado arrintaas oo fadeexad iyo xad gudub ku noqotay Waxbarashada Soomaaliyeed.

Qaar kale ayaa iyagana mar hore jaamacadda iska qoray, balse waligood xiisad ma xiidirin, sidoo kalana waligood kama qeyb gelin Imtixaan, inkastoo qaar yar ay ka qeyb galeyn imtixaan lagu sheegay inuu ahaa (Waa Joogaa) oo qofka la iska siinayo darajada.

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay inay wax ka qaban doonto Jaamacadaha iyo iskuulada aan buuxin shuruudaha looga waahan yahay waxbarashada, waxayna wasaaradda sheegtay inaysan aqbali doonin in muuqaal xun laga bixiyo waxbarashada Soomaaliya.
Xigasho:Guuxanews

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews