“HIJRO, Waa Marka Dhulka Gaalada Laga Tago Ee Dhulka Muslimiinta La Tago, Laakiin Maanta Maxaa Ka Jira Dunida Muslimka..”? Sheekh Aadan-Siiro
September 23, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa ka warramay Taariikhda Hijriga iyo Sannadka cusub ee Islaamka ee 1439-ka oo Doraad Curtay.
Sheekh Aadan-Siiro oo Xuska Sannadka Cusub ee Islaamka awgeed khudbaddii Jimcaha ee Maanta kaga hadlay Taariikhda Hijriga, ayaa ka warramay Taariikhda Higriga bilowgeedu inuu ahaa Wakhtigii uu Nebiyullaahi Muxamed ka hijirooday Magaalada Makka, una Hijrooday Magaalada Madiina, ka dib markii Gaaladii Carbeed halkaa ku dhibeen.
Sheekh Aadan-Siiro oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxa Kow ah Sannadka cusub ee Hijriga ee 1439-ka, oo ah in Maalintii uu Nebigeenna Muxamed (CSW) Hijrooday oo ay ka soo wareegtay 1439 Sannadood. Hijro marka xagga Luqada laga eego waa Dhul laga tago, oo Dhul kale la tago sida uu qoray Caalimka Ibnu Manduur, waxa kale oo Culimadu ku macneeyeen Hijro, inaad ka tagto Dhulka Gaaladu ka taliso, oo aad tagto halka Muslimiintu ka taliyaan, taasaa Hijro la yidhaahdaa, laakiin Maanta waa Cagsigeeda..”