|
berberatoday.com
Garoon la’aanta Hargeysa iyo Dhibka dhalinta ka haysata? W/Q Rakad Mxd Sultan
September 23, 2017 - Written by Berbera TodayGaroon la’aanta Hargeysa iyo Dhibka dhalinta ka haysata? Waxay ahayd goordambe oo ilaa 7:00 habeenimo ah, waxa na joojiyay koox dhalinyaro ah oo ku dhawaaqaya Adeer Dooxa na dhaafi, markiiba waannu istaagnay oo waxaanu dareenay in dooxu socdo, dhalintiina waannu soo qaadnay ka dib; is waraysi iyo xogogaal badan waxay noo sheegeen in ay ka yimaadeen Xaafada Axmed dhagax gaar ahaan siinay iyo istaadyoonka. Waxaanay u soo ciyaar tageen garoonka beerta xoriyada ee Maxkamada u dhaw. Dareen iyo damqasho ayaa i qaaday wallaw aanay jirin dedaal garoomo lagu sammeeyo se uu jiro dedaal dhul lagu boobo laguna iibiyo. U kaalay sawirkadan maxaa kaaga baxay dhalinyaro xaafada October iyo siinay dhexdooda ah oo meel la dhisayo ku cayaaraysa kubad haddii ay ka soo dhacaana waad dareemaysaa dhibta soo gaadheysa. Intani waa intaan ogahay se xaafadihii kale iyanna xaalad sideeya ayay ku sugan yihiin? Dhallinyarada qaar ayaa ii sheegay in maamulka wasaaradu uu heshiis iyo saami la galay garoomada la kireeyo taasinna waa ta sababtay inaan la sammayn garoomo bilaasha oo lagu ciyaaro. Waxaan wasaarada ku boorinayaa in xaafadkasta loo sammeeyo garoomo xitaa dhul ha loo iibiyo ay ku cayaareen se ha laga hor tago dhalintaa meelaha fog-fog kubada u doonanaya. Haddii xaaladan sii socota maxaa dhalinta u danbayn doonna? Rakad Mxd Sultan ![]() ![]() ![]() COMMENTS
|
||||
|