Salaadiin, Boqoro Iyo Madax Dhaqameed Kasoo Jeeda Beelaha Ciise Muuse Ee Gobolka Saaxil Oo Loo Diiday Inay Ka Qeyb Galaan Xidhitaanka Shirka Beelaha Biciide Ee Deegaanka Dagaar Maanta Kusoo Xidhmaaya Iyo Sababta Oo Katimi Dhinaca Beesha Shirka Qabsatay
October 1, 2017 - Written by Berbera Today
Burco(Berberatoday.com)-War deg deg ah oo hada soo Gaadhay Shabakada wararka ee Berberatoday.com ayaa waxa uu sheegayaa in Salaadiin, Boqoro Iyo Madax dhaqameed kasoo jeeda Beelaha Habar Awal Saaka Magaalada Burco Uga kaleheen Ka Qeyb Galka shirka Beelaha Biciide ee Deegaanka Dagaar ee Gobolka Sanaag maanta Kusoo xidhmaayay, Salaadiinta iyo Madax dhaqameedka oo uu hogaaminaayay Suldaanka Guud ee Beelaha Habar Awal Suldan Xasan Suldaan Cabdillahi Suldaan Diiriye ayaa hore loogu casuumay kasoo Qeyb galka xidhitaanka shirkaaas hase yeeshee saaka Markay Burco Ka amaba baxayeen ayaa lagu wargaliyay in aanay Shirkaas Iman Karin Salaadiinta Boqorada Iyo Madax dhaqameedka Beesha Ciise Muuse ee Habar Awal halka Salaadiinta Iyo Madax dhaqameedka Beesha Sacad Muusena Loo ogolaaday inay shirkaas ka soo qeyb galaan xidhitaankiisa sidaasna ay kutageen salaadiinta Beesha Sacad Muuse ee uu hogaaminaayay Suldaan Xasan Suldaan Cabdillahi,