Qadar Iyo Cumaan Oo Gaadhay Heshiis Ganacsi Oo Dhanka Badda Ah
October 1, 2017 - Written by Berbera Today
Dha(Berberatoday.com)-Dowlada Qatar ayaa heshiis iskaashi ganacsi la gashay shirkada laga leeyahay dalka Cumaan ee ganacsiga maraakiibta oo loo yaqaan Naseera.
Heshiiskan ayaa la doonayaa in shirkadaasi laga leeyahay cumaan ay ka shaqeyso ganacsiga dhanka bada ee ka dhaxeeya labada dal, iyadoo shirkadaasi la wareegi doonto maraakiibta isaga kala gooshta labada dal iyo dalxiiska.
Dalka Qatar ayaa xayiraad dhanka badda, cirka iyo beriga ah kusoo rogeen dalalka ay jaarka yihiin ee khaliijka, (Sacuudiga, Imaraatiga, Baxreyn oo ay wehliso dowlada Masar).