Musharax Cabdiraxmaan Ciro Oo Ballan-qaaday Inay Aqbalayaan Natiijada Doorashada, Haddii Ay U Dhacdo Si Daah-furan, Musharraxiinta KULMIYE Iyo UCID Oo Dardaaran U Jeediyey Cod-bixiyeyaasha
October 1, 2017 - Written by Berbera Today
Hargeysa(Berberatoday.com)-Musharraxiinta Saddexda Xisbi Qaran ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE, ayaa si Wada jir ah Dadweynaha ugu baaqay inay Ololaha Doorashada Madaxtooyada oo Dalka ka bilaabmaysa ka ilaaliyaan wax kasta oo Xumayn kara.
Musharraxa WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Musharraxa KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo Musharraxa UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa sidaa ka sheegay Munaasibad Guddiga Doorashooyinka Qaranku Shalay ku Guddoonsiiyeen Shahaadooyinka Caddaynaya inay yihiin Musharraxiin u tartamaya Doorashada Madaxtooyada ee Somaliland ka dhacaysa 13-ka bisha November, 2017-ka.